Raashin dhacay oo lagu gubay magaalada Kismaayo Jubbada Hoose


MudugNet, Muqdisho, Sabti, 24ka Luulyo, 2010.
 

Maamulka Islaamiga gobalada Jubbooyinka ayaa bilaabay in ay suuqyada magaalada Kismaayo ka aruuriyaan waxyaabaha dhacay ee sida sharci darada ah loogu Iibiyo magaaladaasi.

Ciidamada Wilaayada Islaamiga Gobalada Jubboyinka ayaa sameeyay Gowlgallo balaaran oo ka dhan ah ganacsatada ka Baayac mushtara waxyaabaha dhaca.

Fagaare ku yaal magaalada Kismaayo ayaa lagu gubay Kartoomo ay ka buuxaan Bagaash,Dawooyin,Raashin iyo waxyaabo kale oo dhamaantoodba dhacay.

Gudoomiyaha magaalada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali oo saxaafadda lahadlay ayaa sheegay in ay soo qabteen ku dhawaad 2 gaari nuuca xamuulka ah oo ay ka buuxaan badeecooyin dhacay.

Waxyaabahan dhacay ee lasoo qabtay ayaa si caadi ah loogu Iibinayay dukaamada, farmashiyaasha iyo Bakhaarada magaalada Kismaayo.

Shacabka magaalada Kismaayo iyo deegaanada ku dhaw dhaw ayaa soo dhaweeyay Howlgalada lagusoo qabqatay waxyaabaha dhacay oo dhibaata u keeni kara caafimaadka dadka.