Gudoomiyihii Ahlusuna degmada Matabaan oo xilkii uu hayay iska casilay


MudugNet, Muqdisho, Sabti, 24ka Luulyo, 2010.
 

sarkaal katirsanaa Ururka Ahlusuna ayaa ku dhawaaqay in uu isaga baxay Ururkaasi waqti colaado lagasoo sheegayo deegaano katirsan gobalka G/gaduud oo ay loolano ka jiraan.
 

Faarax Carabay oo la soo xiriiray Warbaahinta  ayaa sheegay inuu ku wargelinayo guud ahaan shacabka soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in wixii maanta laga bilaabo uu ka mid yahay shacabka caadiga ah ee kunool degmada matabaan.

"waxaan go'aansaday in aan iska casilo xilka gudoomiyaha Matabaan in mudda ah ayaan hayay waxaana iisoo baxday in aanan wax qaban karin kooxda degmada haysatana way ugasii dartay shacabka"ayuu yiri Faarax Carabeey

Gudoomiyihii hore degmada Matabaan ee Ururka Ahlu suna faarax carabeey wuxuu beeniyay in baqdin aawgeed uu xilkiisa isaga casilay,wuxuuna xusay in degmadaas uu isaga gudoomiye ka ahaa ka hor inta aysan imaanin Ururk Ahlu suna,hadana khiyaarkiisa uu ka arkay inuu xilkaas ka tago.

Is casilaadda gudoomiyihii hore ee degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xili Ururka Ahlusuna uu Dagaallo kula Al Shabaab iyo Xisbul Islaam