Mucaaradka Uganda oo ku
dhawaaqay in ciidanka Uganda
Muqdisho lagasoo saaro
MudugNet, Muqdisho, Axad, 25ka Luulyo, 2010.
Xilli ay
ciidanka Uganda ee ku sugan
magaalada Muqdisho ay ku lug
leeyihiin dagaalada iyo
duqaymaha socda ayay qayla dhaan
kasoo yeeraysaa shacabka Uganda.
Axsbaata
Mucaaradka ee dalalka Ugandha
iyo Burundi ayaa markale ku
dhawaaqay islamarkaana dalbaday
in Ciidamadooda laga soo saaro
magaalada Muqdisho ee Caasimadda
dalka soomaaliya.
Shir jaraa’id
oo magaalada kamala ee Xarunta
dalka Ugandha uu ku qabtay
Afahyeenka Xisbiga isbadal
doonka dimuqraadiga ee
Mucaaradka ah ayuu ku sheegay
inay dowladda Ugandha marlabaad
ay ka dalbanayaan in
Ciidamadeeda ay kasoo
daadugrayso magaalada Muqdisho.
“
Ciidamadeenu waxay soomaaliya
joogaan muddo seddex sanadood ah
iyada oo muuqan is badal laga
sameeyay dhulka,waxaan aaminsan
nahay inay taasi nagu filan
tahay,annagu waxaan doonaynaa in
Ciimadeena hadda lasoo
saaro,laakiin berri ama
mutaqalka ma doonayno” ayuu yiri
Laafoola Oguto oo ah Afhayeenka
Xisbiga isbadal doonka
dimuqraadiga ee Mucaaradka ah.
Ma muuqato
qorshe ay Dowladda Uganda
ciidankeeda uga saarayo
magaalada Muqdisho waxaana la
rumaysanyahay in Uganda ay
dhaqaale badan Mareykanka uga
qaadato kumanaanka ciidan ee ka
joogo magaalada Muqdisho