Shacabkii laga soo raafay maamul Beeleedka Puntland oo ku dhibaataysan magaalada Beled weyne


MudugNet, Muqdisho, Axad, 25ka Luulyo, 2010.

 

Boqolaal katirsan dhalinyaradii dhawaan lagasoo raafay magaalooyinka waaweyn ee maamulka isku magaacabay Puntland ayaa soo gaaray magaalada B/weyne waxaana haysta dhibaato xoogan.

Magaalada baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa soo gaaray boqolaal dhalinyaro ah oo kasoo jeeda koonfurta dalka soomaaliya,kuwaasi oo laga soo musaafuriyay deegaaanada uu ka taliyo maamul goboleedka isku magacaabay Puntland.

In ka badan 200 oo ruux oo ubadan dad dhalinyaro ah ayaa soo gaaray magaalada baladweyne,waxayna sheegeen in Ciidamada maamul goboleedka Puntland ay tacadiyo baahsan kula kaceen intii ay xabsiyada ku jireen.

Qaar ka tirsan dadka lasoo musaafuriyay oo la hadlay Wariyaasha magaalada baladweyne ayaa waxay sheegeen inay ahaayeen dad ganacsato ah oo si caadi ah ugu shaqaysta gudaha magaalada boosaaso ee Xarunta gobolka bari,laakiin musaafurintooda loogu mar marsiyooday inay qeyb ka qaadanayeen falalka amaan dari ee mudooyinkii dambe ka taagnaa magaalada boosaaso.

"Halkaan waan ku dhibaataysannahay ma haysano lacag aan wax ku cuno, Maleeshiyada Puntland waxay naga soo kexeeyeen guryaheeni oo aan wax walba ku haysanay"ayuu yiri mid ka mida dhalinyaradii lasoo Barakiciyay

Dhanka kael qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ayaa si xoogan u cambaareeyay falalka ay ku dhaqaaqeen maamulka goboleedka isku magacaabay Puntland,waxayna ugu baaqeen inaysan kala soocin dadka soomaalida ah.