Wasiiru Dowlihii hore ee
wasaaradda Gaashaandhigga
Dowlada KMG ah Yuusuf Indha
cadde ayaa dib ugusoo laabtay
magaalada Muqdisho kadib muddo
uu dibadda ku maqnaa.
Wafdi balaaran oo uu
hogaaminayay Indha cadde ayaa
kasoo degay garoonka diyaaradaha
magaalada Muqdisho wuxuuna in
mudda ah ku maqnaa magaalada
Kampala ee dalka Yugaandha.
Yuusuf Indha cadde oo shir
Jaraa'id ku qabtay magaalada
Muqdisho ayaa sheegay in uu
dagaal la geli doono Itoobiya
hadii ay isku daydo in ay soo
gasho Somaliya.
"Itoobiya iyo ciidan shisheeye
ma ogoli waxaana balan qaadayaa
in aan dagaal la galo Itoobiya
hadii ay dalka ku soo laabato,
balse waxaan ku baaqayaa in
AMISOM dalka laga saaro
Soomaaliduna ay Heshiiso"ayuu
yiri Indha Cadde.
Yuusuf Indha cadde wuxuu sheegay
in uusan xil dambe ka qaba
doonin xukuumadda Cumar Cabdi
Rashiid oo uu ku tilmaamay mid
fadhiid ah oo aan gudan karin
wixii loo soo dhisay.
Warar kale ayaa sheegaya in
Indha Cadde uu madax ka noqon
doono xoogag hubaysan oo ka soo
jeedo beelaha Muqdisho kuwaasi
oo ka Barbar dagaalami doono
dowladda KMG ah.
waxaana
socda abaabullo xoogan oo la
doonayo in lagu maja xaabiyo
xoogaga Al Shabaab iyo Xisbul
Islaam oo maamulo inta badan
Muqdisho iyo gobalada dalka