Wafdi ka socda maamulka Galmudug oo Muqdisho wada hadalo kula leh Madaxda sare ee Dowladda Soomaaliya.

Sawirada Xuquuqdooda waxaa iska leh web site ka Radiomuqdisho.net


MudugNet, Muqdisho, Isniin, 26ka Luulyo, 2010.


Wafdi  uu hogaaminaayo Madaxweyne Kuxigeenka maamulka GalMudug State oo ka kooban wasiiro iyo Xildhibaano ayaa dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho iyagoo Kulamo la yeeshay qaar ka tirsan wasiiradda Dowladda KMG Soomaaliya.

 

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta ahna afhayeenka Maamulka GalMudug Axmed Baasto  oo saxaafadda la hadlayay ka dib Kulan ay shalay la yeesheen wasiirka Arimaha Gudaha Sooomaaliya Sheikh C/qaadir Cali Cumar ayaa sheegay in Ujeedada safarkooda Muqdisho ay tahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka maamulka Galmudug iyo Dowladda KMG Soomaaliya.

 

Axmed Baasto ayaa intaasi ku daray in wasiirka Arimaha Gudaha Dowladda ay kala Hadleen sidii wadida taageeradda dowlada Soomaaliya ay u fidso maamulka G/mudug ,sida iskaashiga Dhinacyadda Amaanka iyo Hormarinta Goboladda ay ka taliso maamulka G/mudug.

 

Afhayeenka maamulka G/mudug ayaa intaasi ku daray in maamulka G/mudug Horumar la taaban  uu ka sameeyay dhinacayadda  waxbarashada, caafimaadka iyo Amniga mudadii maamulka uu ka jiray.

 

Wafdiga maamulka Galmudug ayaa lagu wadaa inta ay joogaan magaalada Muqdisho  iney kulamo gaar gaar ah la yeeshaan madaxda sare ee Dowladda iyo wasiirada ka soo jeeda  Dowlada Goboleedka Galmudug.

 

Mudugnet-News