Xaaladda magaalada Muqdisho oo saakay degan ka dib dagaalo qaraar oo shalay ka dhacay Caasimadda.


MudugNet, Muqdisho, Talaado, 27ka Luulyo, 2010.

 

Xaaladda  Degmooyinkii ay shalay ka dhaceen dagaal qaraar  oo u dhaxeeyay Xarakadda Alshebaab iyo Ciidamada Dowladda oo taageero ka helaayaa Ciidamada AMISOM ayaa saakay  Degan, iyadoo ay wali dhnacyadii dagaalamay ay isku horfadhiyaa goobihii lagu dagaalamay.

 

Dagaalkii shalay ka dhacay Degmooyinka C/Casiis, Shibbis iyo Boondheere ee magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa sababay Dhimashadda ku dhawaad 30 ruux halka dhaawaca uu ka badan yahay 40 qof sida laga soo xigtay Goobaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho.

 

Dhinacyadii dagaalamay ayaa Guulo ka sheegtay dagaalkii shalay.
 

Afhayeenka xarakadda Alshebaab Shekh C/casiis Abuumuscab ayaa warbaabinta u sheegay in guulo ay ka gaareen dagaalkii shalay,sla markaana ay ku gubeen 2 ka mid ah baabuurta Gaashaaman ee Ciidamada AMISOM.

 

Dhinaca  kale Gudoomiyaha degmada ships oo saaxaafadda u sheegay in dagaalki shalay ay dhinacooda ka gaareen guulo la taaban karo isla markaana ay ku soo qabqabteen qaar ka tirsan cidamadiii ka soo horjeeday.

 

Dagaaladii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo ahaa kuwa aad u culus waxaa barbar socday Duqeyn xoogan oo laga maqalayay guud ahaan caasimada.

 

Mudugnet-News