Dagaalo goos goos ah iyo Duqeymo sababtay dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacday qeybo ka tirsan Muqdisho.


MudugNet, Muqdisho, Talaado, 27ka Luulyo, 2010.

 

Ugu yaraan 2 ruux ayaa ku geeriyootay 11 kalena waa ku dhaawacmeen dagaalo iyo duqeymo goos goos ah oo manta ka dhacay degmada Hodon iyo H/wadaag, kaasoo dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo kooxaha hubaysan ee ka soo horjeeda.

 

Dad ku dhaawacmay dagaalada manta ayaa madaafiic Habow ah ugu tagtay xaafadaha KPP, Siinaay iyo Degmada X/weyne ee Gobolka Banaadir sida uu sheegay Madaxa gaadiidka Gurmadka Nation Link Cali Muuse.

 

Dadka ku dhaawacmay dagaalka manta ayaa la dhigay isbitaalada dayniille iyo Madiina si halkaasi loogu daaweeyo, xili ay goobaha caafimaadka Muqdisho ay buuxdhaafiyeen dadka ku wax yeeloobay Colaadda ka jirta magaalada Muqdisho.

 

Mudugnet-News