Ku simaha
Gudoomiyaha baarlamanka oo ku
tilmaamay Xildhibaanadda
Muqdisho ku sugan Xilkas
laawayaal.
MudugNet, Muqdisho, Talaado, 27ka Luulyo, 2010.
Gudoomiye
kuxigeenka baarlamanka ahana
Kusimaha Gudoomiyaha C/wali
Ibraahim Muuday ayaa si kulul u
weeraray xildhibaanadda
baarlamanka ee ku sugan
Xamar,isagoo ku tilmaamay Xilkas
laawayaal ka dib markii uu manta
mar kale dib u dhac ku yimid
fadhigii baarlamanka.
Mr C/wali
ayaa dib u dhaca fadhiga
baarlamanka ku edeeyay inay
mas’uul ka yihiin Xildhibaanada
Ku sugan Muqdisho oo soo
xaadiri waayay fadhigii maanta.
Ajandaha
baarlamanka iminka horyaal ayaa
ah dood ku saabsan wax ka
bedelka Xeer Hoosaadka
baarlamanka,iyadoo kulankii
maanta baaqaday loobalamay in
la qabto maalinta Beri ah.
Dhinaca kale
xildhibaanadii manta soo
xaadiray xarunta baarlamanka
ayaa si weyn ugu kalaaragti
duwan wax qabadka Xukuumada
iminka Jirta ee ra’iisulwasaare
Sharmarke,mudanayaasha qaar ayaa
ku tilmaamay in Xukuumada ay ku
fashilantay wax qabadkii looga
baahnaa, halka xildhibaanada
qaar ay taageereen Xukuumada
Cusub ee C/rashiid Sharmarke.