Ra段sulwasaaraha Soomaaliya oo talaabo qalad ah ku tilmaamay qorshaha maamulka Puntland uu ku masaafurinaayo dadka ka soo jeeda Gobolada Koofurta Soomaaliya.


MudugNet, Muqdisho, Talaado, 27ka Luulyo, 2010.

 

Raii痴ulwasaarha dowladda KMG Cumar C/rashiid Sharmarke ayaa  talaabo qalad ah oo laga xumaado ku tilmaamay qorshaha maamulka Puntland ay ku masaafurinayso dadka shacabka ah ee ka soo jeeda Goboladda Koofurta soomaaliya oo dhulkooda uga cararay Colaadaha iyo duruufaha qalafsan ee ka jira Gobolada Koofurta.

 

Mr Sharmarke oo la hadlaayay warbaabinta ayaa sheegay in Dowladda KMG ay aad ugu xuntahay falkaasi段sla markaana ay ugu baaqayso maamulka Puntland in si deg deg loo joojiyo talaabooyinkaasi ka baxsan Xuquuqda Isnaaka iyo soomaalinimadda.

 

Ra段isulwasaare Cumar C/rashiid ayaa tilmaamay in arinta uu sida ugu dhaqasiyaha badan kala hadli doono mas置ulyiinta maamulka Puntland gaar ahaan Madaxweyne faroolle.

 

Hadalka Cumar C/rashiid  ka soo yeeray ayaa ah mas置ulkii ugu sareeyay ee ka tirsan Dowladda KMG soomaaliya uu kaga hadlo xaalada tarxiilka ee maamulka Puntland kula kacaayo dadka ka soo jeeda Koonfurta soomaaliya.

 

Mudugnet-News