Shir Madaxeedka Hogaamiyaasha Africa oo maanta lagu wado in lagu soo gabagabeeyo magaalada kampala ee caasimadda Dalka Uganda .


MudugNet, Muqdisho, Talaado, 27ka Luulyo, 2010.

 

Shir Madaxeedkii 15aad ee madaxda Africa ayaa lagu wadaa in  maanta si rasmi ah loogu soo gabagabeeyo magaalada Kampala ,iyadoo war murtiyeedka laga soo saaraayo shirka ay ugu badan tahay xaalada dalka soomaaliya.

 

Shirkan oo mudo 3 cisho ah ka socday dalka Uganda waxaa ka qeyb galay hogaamiyaal ka socday wadamada Africa ,yadoo shirka intiisa badan looga hadlay sidii  ciidmo dheeri ah loogu diri lahaa Dalka soomaaliya si ay u difaacaan dowladda taagta daran ee maamusha qeyb ka mid ah caasimada.

 

Shirka ayaa intii uu socday waxaa hareeyay qaraxyadii ka dhacay dalka kampala oo ay sheegteen mas’uuliyadiisu Xarakada Alshebaab ee dagaalka kula jirta Dowladda soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

 

Hogaamiyaha Uganda Yuweeri Musafeni ayaa wacad ku maray in dowladiisa ay tirtri doonto waxa uu ugu yeeray Argaxaxisada ka jirta soomaaliya,isla markaana aanu ciidamadiisu kala soo bixi doonin Soomaaliya inta ay Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ay dalka ka jiraan.

 

Dhinaca kale madaxweynaha soomaaliya oo ka qeybgalaya shirka kampala ayaa halkaasi kulamo gaar gaar ah kula Yeeshay saraakiil ka socota dowladda Mareykanka gaar ahaan kaaliyaha Xog’hayaha Arimaha Dibadda mareykanka iyo saraakiil kale.

 

Mudugnet-News