Ciidamadda Axmed
Madoobe iyo kuwa xarakada
Alshebaab oo ku dagaalamay
Duleedka Dhooblay.
MudugNet, Muqdisho, Arbaco, 28ka Luulyo, 2010.
Dagaalo sababay
dhimasho iyo dhaawac ayaa saaka
Duleedka Degaanka Dhooblay ee
Gobolka Jubadda Hoose ku
dhexmaray Ciidamo taabacsan
Sheikh Axmed Islaam iyo kuwa
Xarakadda Alshebaab.
Ugu yaraan 2 ruux
ayaa ku geeriyootay in ka badan
kalena waa ku dhaawacmeen
dagaalkaasi sida laga soo xigtay
dadka degaanka.
Dagaalkan ayaa
qarxay ka dib markii ciidamo ka
amarqaata sheikh Axmed islaam
Madoobe ay weerar ku qaadeen 2
xero oo fariisin u ahayd
Ciidamada Xarakadda alshebaab.
Ilaa iyo hada wax
war ah kama soo bixin dhinacyada
ku dagaalamay Dhooblay, in
kastoo wararka ay sheegeen in
gacan ku haynta Deggaanka
dhooblay ay wali baaqi ku tahay
xarakadda Al-shebab.