Hogaamiye Dimeedka Dagaalka kula jira Puntland oo sheegay inuu xiriir la leeyahay xarakadda Alshebaab.


MudugNet, Muqdisho, Arbaco, 28ka Luulyo, 2010.

 

Hogaamiye Diimeedka dagaalka hubaysan kula jira maamulka Puntland Sheikh Maxamed Siciid Atam ayaa sheegay in kooxdiisa iyo xarakadda Alshebaab  uu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan oo isla markaana ay yihiin dad isku aragti ka ah Camalka Islaamiga ee ay ka wadaan Gudaha dalka soomaaliya.

 

Sheikh Atam oo taageerayaashiisa kula hadlayay Net-ka wada sheekaysiga ee PalTalk ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaalkii dhawaan degaanka Galgala ku dhexmaray kooxdiisa iyo Ciidamada maamulka Puntland.

 

Waxa uu sheegay sheikh Atam in ciidamada Puntland ay ka dileen 30 askari ayna ka gubeen 2 baabuurta dagaalka sida uu hadalka u dhigay Sheeikh Atam.

 

Sheikh Maxamed Siciid Atam ayaa wacad ku maray iney sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka maamulka Puntland ilaa inat ay ka maamulka Faroolle kaga takhalusayaan.

 

Waxa uu yirir camalkan  islaamiga ah waxaan Puntland ka wadnay 5 sano waana sii wadi doonaa inta Puntland laga Xuranaayo” sidaana waxaa yiri Sheikh Atam.

 

Waxa uu ugu baaqay sheeikhu dhamaan dadka reer Puntland inay hubka qataan oo ay la dagaalamaan maamulka puntland oo ku tilmaamay Dabadhilif u adeega shisheeye sida hadalka u dhigay.

 

Hadalka Hogaamiye Duumeedka Reer Puntland ayaa yimid maalmo ka dib dagaalo Degaanka galgalo ku dhexmaray ciidamada maamulka faroole iyo ciidamada taabacsan sheikh Atam.

 

Mudugnet-news