Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug State oo ka warbixiyay Kulamo magaalada Muqdisho ay kula yeesheen Madax sare oo ka tirsan Dowladda KMG iyo Golaha Dhaqanka beelaha Hawye.


MudugNet, Muqdisho, Arbaco, 28ka Luulyo, 2010.

 

Mas’uuliyiinta maamulka G/mudug State oo maalmihii la dhaafay Booqosho ku joogay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay Kulamo iyo wahadalo ay la qaateen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Golaha dhaqanka Beelaha hawiye oo shirar iyo wadahadalo gaar ah kula yeeshay muqdisho.

 

Afhayeenka G/mudug ahna ku xigeenka wasiirka Warfaafinta Axmed Baasto ayaa sheegay in Nuxurka wadahadalada Muqdisho ay ahaayeen ka warbixinta xaalada hormarka ay ku talaansadaan maamulka iyo Shacabka Galmudug iyo sidii  loo hormarin lahaa iskaashiga maamulka iyo qeybaha kale ee dalka Soomaaliya.

 

Dhicana kale madaxweyne Kuxigeenka maamulka G/mudug ayaa ku casuumay Odayaasha Dhaqanka hawiye iney booqdaan Gobolada uu ka arimiyo maamulka Galmudug madaama dadka Ku nool Galmudug ay ku abtirsadaan Beesha Hawiye.

 

Wafdiga ka socda maamulka Galmudug State ee dhawaan  yimid magaalada Muqdisho  ayaa lagu wadaa in maamlmaha soo socda ay dib ugu laabtaan magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

 

Mudugnet-News