Cali dheere oo ka
hadlay Go’aanadii ka soo baxay
shir madaxeedkii Hogaamiyaasha
Afrika ee dhawaan ka dhacay
dalka Uganda ayaa
ku
tilmaamay shirkaasi in uu ahaa
mid natiijo la’aan ku soo gaba
gaboobay maadaama ay ka soo
baxeen oo kaliya in ciidamo la
keeno Soomaaliya, Al Shabaabna
ay xabbad kala hortagayaan Marka
ay soo gaaraan Muqdisho sida uu
hadalka u dhigay afhayeenka
Alshebab.
Afhayeenka
Xarakadda Alshebab Waxaa intaasi
ku daray in dowladda KMG
Soomaaliya ay Waji gabax kala
kulantay waxyaabihii ay ka
dooneysay in shirkaasi ay ka soo
baxaan taasi oo aheeyd taageero
xoog leh oo ay u fidiyaan
Madaxda Midowga Afrika ee
kulanka ku yeelatay Magaalada
Kampala ee wadanka Uganda,
isagoo intaasi ku daray in
ciidamada cusub ee la keenayo
Soomaaliya aysan waxba uga
duwaneyn kuwii horey u joogay
Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka oo
hadalkiisa sii wata ayaa sheegay
in Midowga Afrika ay afka oo
kaliya ka sheegayaan in ciidamo
farabadan ay keenayaan
Soomaaliya, hase ahaatee aysan
ka dhabeyn Karin maadaama sida
uu tilmaamay sideedii kun ee ay
u balan qaadeen Soomaaliya aan
wali la soo dhameystirin, isagoo
carabka ku dhiftay in haatan ay
rafaadsanyihiin ciidamada AMISOM
ee ku sugan Magaalada Muqdisho.
Hadlalka Xarakada
Alshebaba ayaa yimid xili
dhawaan Hogaamiyaasha Afrika ay
Go’aamiyeen in Soomaaliya loo
soo dirayo ilaa 4-kun oo askari
oo dheeraad.