Shacabka ku nool magaalada B/weyne oo bilaabay iney ka qaxaan magaalada iyo dhaqdhaqaaq Ciidan oo ka jira Duleedka Magaalada B/weyne.


MudugNet, Muqdisho, Khamiis, 29ka Luulyo, 2010.

 
Xaalada magaalada B/weyne ayaa saakay Kacsan tan iyo maalintii shalay ka dib markii ay soo baxeen wararka sheegaya diyaarowga dagaal ee ka socda Duleedka iyo Gudamada magaalada B/weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
 
wararka ka imaanaya Gobolka ayaa sheegaya in saaka dadka rayidka ah ay bilaabeen iney isaga qaxaan magaalada sababo la xiriira cabsi ay ka qabaan inuu dagaal ka qarxo magaalada kaasoo iminka saansaantiisu laga dareemaayo gudaha iyo duleedka magaalada B/weyne.
 
Maamulka Xarakada Alshebab ee ka taliya magaalada ayaa abaabul iyo diyaargarow dagaal ka bilaabay magaalada halka ciidamada Dowladda KMG ee ku sugan duleedka magaalada ay halkaasi ka wadaan dhaqdhaqaaq ciidan oo xoog leh.

Ciidamada Dowladda iyo Kuwa islaamiyiinta ee ka soo horjeeda Dowladda ayaa dhowr jeer ku dagaalamay gacan lu haynta Magaalada in kastoo ciidamada Dowladda loogu itaal sheegtay dagaaladaasi.
 
Mudugnet-News