Xaaladda magaalada Muqdisho oo maanta Degan xili maalmihii la soo dhaafay ay ka dhacayeen dagaalo qasaaro badan sababay.


MudugNet, Muqdisho, Khamiis, 29ka Luulyo, 2010.
 

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa  maanta degan oo aan wax dagaal ah ka jirin,iyadoo maalmihi la dhaafay magaalada muqdisho ay ka dhaceen dagaalo qaraar oo u dhaxeeyay cidamada Dowlada KMG iyo Kuwa AMISOM iyo Kooxaha mucaaradka ee ka soo horjeeda dowladda.

Dagaaladii ugu xumaa waxa ay ka dhaceen degmooyinka waqooyi sida C/casiis, Shibbis, Boondheere, Hodon iyo H/wadaag,d agaaladaasoo sababay qasaare isugu jra dhimasho iyo dhaawac fara badan oo soo gaaray dad badan oo rayid ah.

In badan 100 ruux ayaa ku dhaawacmay 48saac ee la dhaafay dagaalada iyo duqeymaha ka dhacay caasimadda sda ay xaqiijiyeen goobaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho.

Dadka ku dhaawacmay dagaalada ayaa la dhigay isbitaalada madiina, Keydsanay iyo Dayniille ee magaalada Muqdisho, waxaana qaar ka mid dadka qaba dhaawacyada ka soo gaaray Hubka   laga dayriyay xaaladooda.

Wadooyinka qaar magaalada Muqdisho waxaa saakay lagu arkayay dad hor leh oo ka bara kacaya Guryahooda kuwaasi oo ay saamyeen dagaalada Muqdisho ee aan dhamaadka lahayn.

Shacabka ayaa si weyn uga cabanaya Madaafiicda ay isku ridaan dhinacyadda  dagaalamaya gaar ahaan madaafiicda laga soo rido xarumaha Ciidamada AMISOM, in kastoo saraakiisha AMISOM ay beeniyaan iney Madaafiicda Ku ridaan goobaha rayidka.

Mudugnet-news