Xarakada Alshebab oo iska bari yeeshay iney xiriir la leeyihiin Koox diimeedka dagaalka kula jirta maamulka Puntland.


MudugNet, Muqdisho, Khamiis, 29ka Luulyo, 2010.

 
Xarakada Alshebab ayaa iska fogeeyay in ay wax xiir ah la leeyihiin ama xarakada ay ka mid yihiin Koox diimeedka dagalaaka kula jirta maamulka Puntland ee ka taliya gobolada waqooyi barri ee Dalka soomaaliya.
 
Afhayeenka Xarakada Al-shebab sheikh Cali dheere oo shir jaraa'id kaga hadlay arintaasi ayaa waxa uu si kulul gaashaanka ugu daruuray in kooxaha ka dagaalamaya Degaanka Galgalo ee Gobolka Bari ay ka tirsan yihiin Xarakada,isagoo uga digay bahda warbaabinta ineysan ku degdegin wararka ku sabaabsan in kooxda Galgala ay ka tirsan yihiin Alshebab.
 
Afhayeenka Al-shabab ayaa intaasi ku daray in xarakada ay taageersan tahay cid kasta oo u dagaalamaysa sidii shareecadda islaamka loogu dhaqmi lahaa loogana hortagi lahaa maamulada daba dhilifka u ah cadowga islaamka sida uu hadalka u sheegay afhayeenka Alshebab.
 
Waxa uu ugu baaqay dhamaan dadka Reer Puntlad iney ka qeyb qaataan dagaalka ka dhan ah maamulka faroolle sidii loo tuuri lahaa.
 
hadalka Afhayeenka Xarakada alshebab ayaa yimid maalin ka dib markii Hogaamiyaha Koox Diimeedka Gagalo Sheikh Maxamed Atam oo sheegay in xiriir uu ka dhaxeeyo kooxdiisa iyo xarakada Alshebab.

 
Mudugnet-News