3-qof oo xalay lagu dilay
Degaano ka tirsan Degmada
Madiina ee Magaalada Muqdisho.
MudugNet, Muqdisho, Jimce, 30ka Luulyo, 2010.
3-qof ayaa xalay siyaabo kala
duwan loogu dilay xaalafado ka
tirsan degmada Madiina ee
magaalada Muqdisho iyadoo
wabargii saakay ciidamada
maamulka Degmada ay halkaasi ka
samyeen baaritaano.
Dadka la dilay ayaa lagu sheegay
iney isugu jiraan dad rayid ah
iyo qof ganacsade ah oo deganaa
degmada,iyadoo aan la ogayn
sababta ka dambaysay dilkooda.
Dadka degaanka Buulo Xuubay oo
ka tirsan Degmada Wadajir ayaa
saxaafadda u sheegay in xalay ay
maqleen dhawaaqa rasaas halkaasi
kooxo hubaysan ay ku dileen qof
rayid ah mid kalena ku
dhaawaceen.
Sidoo kale ciidamada Dowlada KMG
ayaa toogasho ku dilay qof
xaaafadda Nasteexo oo ka tirsan
Degmada Wada Jir, iyadoo aan
ilaa iyo hada la ogayn sababta
dilkaasi ka dambaysay, in kastoo
warar qaar ay sheegayaan in
Ciidamada Dowlada ay ka
shakiyeen marxuumka Geeriyooday.
Dilalka qorshaysan iyo kuwa
kooxaha Burcada ah habeenkii
kula kacaan dadka Rayidka ah
ayaa caadi ka ah caasimada
soomaaliya oo ay halakeeyeen
dagaalada aan xadka lahayn.
Mudugnet-News