Dowladda Uganda oo sharci cusub
ku soo rogtay Soomaalida
doonaysa iney galaan Uganda
MudugNet, Muqdisho, Jimce, 30ka Luulyo, 2010.
Dowladda Uganda ayaa sharci
cusub u samaysay dadka
soomaalida ah ee doonaya iney u
safraan Gudaha dalka Uganda ka
dib qaraxyadii ka dhacay
magaalada kampala 11 Bisha July
sida uu maanta saxaafadda u
sheegay safiirka soomaaliya ee
Uganda danjire Sayid Axmed.
Sayid Axmed ayaa sheegay in
dadka soomaalida ah aysan u
safri Karin Uganda iyagoo aysan
wadanin Cinwaan ama Adress-ka
Cida ay u socdaan,isla markaana
laga doonaayo in garoonka
Diyaaradaha ay u yimaadaan dadka
iyaga ka damiin ah.
Hay’adaha Amaanka Dalka Uganda
ayaa Feejignaan xoog sare laga
galiyay tan iyo markii qaraxyada
lala eegtay magaalada kampala ,waxaana
xabsiyada dalkaasi ku jira dad
badan oo soomaali ay ka mid
tahay.
Sharcigan ayaa ah mid dhibaato
ku noqon kara soomaalida
doonaysay iney u safraan dalka
Uganda ,iyadoo Uganda ay ka mid
tahay wadamada marti galiyay
qaxootiga soomaalida ee ka
cararaya Colaada Soomaaliya.