Haweenka Galmudug oo deeq gudoonsiiyay dadkii laga soo masaafuriyay Gobolada Puntland.


MudugNet, Muqdisho, Jimce, 30ka Luulyo, 2010.

 
Ururadda Haweenka maamulka Galmudug State ayaa shalay galinkii dambe Koofurta Magaalada Gaalkacyo Deeqo kala duwan ku Gudoonsiiyay in ka badan 50 qof oo ka mid ah dad ka soo jeeda Goboladda Koonfurta Soomaaliya oo dhawaan ay Puntland ka soo masaafurisay magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe.
 
Deeqdan ayaa isugu jirta agab kala duwan oo lagama maarmaan u ah Nolosho iyo Hoyga.
 
Haweeanka G/mudug ayaa baaq u diray dhamaan hay'adaha Samafalka in ey gurmad la soo gaaraan dadkaasi oo ku dhibaatsayn gobolka Mudug.
 
sidoo kale Haweenka G/mudug waxa baaq u direen maamulka Puntland iney Joojiyaan Tarxiil dadka soomaalida ee Ku nool Puntland taasoo xadgudub ku ah dhaqanka Soomaalida iyo shareecadda Islaamka.

Ma aha markii ugu horeysay ee ay Haweenka Galmudug u gurmadaan walaalahooda xuquuqul insaankooda lagu tuntay iyagoo kal hore sidanoo kale gudoonsiiyay dhar iyo gogol barakacayaashii kuwaan ka horeeyay.

Haweenka Galmudug ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baaqaya iney bisha Barakeysan ee Ramadaan ee Foodda nagu soo haysa ay gargaar afurin ah la soo gaaraan walaalahooda ka soo cararay dagaalada Koofurta Soomaaliya iyo kuwa ay maamulka Puntland soo masaafuriyeen.

Mudugnet-News