Hay’ada UNHCR oo mas’uuliyiinta Sucuudiga ugu baaqaday iney joojiyaan masaafurinta dadka Soomaalida.


MudugNet, Muqdisho, Jimce, 30ka Luulyo, 2010.

 

Hay’adaha Qaramada Midoobay ugu qaabilsan qaxootiga UNHCR ayaa ugu baaqaday Mas’uuliyiinta Boqortooyadda Sacuudiga iney Joojiyaan Masaafurinta(Tarxiil) dadka soomaalida ee dalkooda uga cararay dhibaato dhinaca Noqolosho iyo Amaanka.

 

Afhayeen u hadashay UNHCR oolagu magacaabo Malesa ayaa wakaaladda Wararka Reuter u sheegay in 2000 oo soomaali ah laga soo masaafuriyay Dalka Sucuudiga bishan July,iyadoo Bishii la dhaafayna ilaa kun qof oo u badan haween laga soo Tarxiilay sucuudiga.

 

Mrss Malesa ayaa ugu baaqday sacuudiga iney joojiyaan Masaafurita dadka dhibaatadda ka cararaya ee Nolosha iyo Shaqada ka raadsaday sacuudiga,isla markaana dadka soomaalida la siiyo dib u dajin maadaama dhulkooda ay wali ka jirto Colaad.

 

Waxa kaloo UNHCR ugu baaqaday wadamada dariska la ah soomaaliya iney magangalyo siiyaan dadka  soomaaliyeed  iyo kuwa  shaqaalaha oo xaalad amaan uga cararay soomaaliya.

 

Mudugnet-News