


Dowladda
KMG Somalia oo u hanqal taagaysa
qabashada Xilka gudoomiyanimada
Jaamacadda Carabta.
MudugNet, Muqdisho, Talaado, 2da
Maarso, 2010.
Dowladda KMG Somalia ayaa markii
ugu horaysay doonaysa in ay
qabato xilka gudoomiyaha
wadamada Jaamacadda Carabta
xilli Somalia aysan kajirin
dowlad awood u leh in ay marti
geliso shir madaxeedyada
caalamiga ah,sarkaal katirsan
safaaradda Somalia dalka Masar
ayaa sheegay in ay arrinkaasi ku
han weynyihiin.
Safiirka dowladda KMG ah u
fadhiya ururka Jaamacadda
carabta C/rxmaan Xasan oo
Khudbad ka jeediyey kulan shalay
ka furmay magaalada Qaahira ee
xarunta dalka Masar ayaa baaq u
jeediyey ururka Jaamacadda
Carabta.
Safiirka ayaa ugu baaqay
wadamada ku bohoobay ururka
Jaamacadda carabta inay
dowladiisa ka gacan siiyaan soo
celinta amaanka iyo kala
dambeynta dalka Somalia
islamarkaana ay il gaar ah ku
hayaan arrimaha dalka Somalia.
Wuxuu sheegay in ururka
Jaamacadda carabta looga fadhiyo
inuu soo fara galiyo xaaladaha
ka aloosan dalka Somalia
islamarkaana uu la yimaado
dadaalo dheeri ah si loosoo
afjaro dagaalada iyo
dhibaatooyinka ka aloosan dalka
Somalia inka badan 20-sano.
Safiirka ayaa soo hadal qaaday
dhibaatooyinka ay kooxaha burcad
badeedu ku hayaan gacanka
cadmeeed, waxaana uu sheegay in
dowladda Somalia kaligeed aanay
ku filnayn wax ka qabashada
kooxaha burcad badeeda ah.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho