


Magaalada
Muqdisho oo degan iyo dhaawacyo
badan oo Cisbitaalada waaweyn ee
magaalada ladhigay
MudugNet, Muqdisho, Arbaco, 3da Maarso, 2010.
Kadib dagaallo dhiig badan
ku daatay oo xalay ilaa iyo
shalay ka socday magaalada
Muqdisho ayaa deganaan aan caga
adag ku taagnayn laga dareemayaa
magaalada waxaana Cisbitaalada
magaalada lagu daad gureeyay ku
dhawaad 32 qof oo Rayid ubadan.
Waxaa saaka
xaalad daganaansha ah laga
dareemayaa degmooyinkii shalay
ilaa xalay ay ka dhacayeen
dagaalada ee magaalada Muqdisho
iyadoo ay sii kordhayaan
qasaaraha dadka shacabka ah ka
soo gaaray dagaaladaasi.
Inta la ogyahay 4 ruux ayaa ku
geeriyootay 32 kalane wey ku
dhaawacmeen dagaaladii xalay
ilaa shalay ka dhacay qeybo
kamid ah degmada Hodan ee
Magaalada Muqdisho kuwaasi oo u
dhaxeeyay Xoogagga Islaamiyiinta
iyo ciidamada dowladda KMG ah oo
taageero ka helaya kuwa
Shisheeye ee ku sugan Magaalada
Muqdisho.
Waaliga Wilaayadda gobolka
Banaadir ee XarakadaAl-shabab
Sheikh Cali Max’ed xuseen oo
shir jaraa’id u qabtay
idaacadaha Magaalada Muqdisho
ayaa shaaca ka qaaday in
xarakada Al-shabaab ay guulo ka
gaartay dagaaladii ka dhacay
Magaalada Muqdisho.
Dagaaladii shalay ilaa xalay
ayaa intooda badan ka dhacay
agagaarka wadada tarabuunka oo
kamid ah meelaha ay isku
horfadhiyaan ciidamada dowladda
KMG ah, kuwa shisheeye iyo
Xoogagga Islaamiyiinta.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
magaalada Muqdisho