Maamulka Al Shabaab Shabeelaha dhexe oo ku baaqay in hay'adaha Samafalka isisoo diiwaan geliyaan.


MudugNet, Muqdisho, Axad, 7da Maarso, 2010.
 

Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ee maamulo gobalka Shabeelaha dhexe ayaa amar ku bixiyay in Hay'adaha samafalka ay iskasoo diiwaan geliyaan xafiisyada maamulka si loo ogaado waxqabadka hay'adaha samafalka ee ku aadan bulshada gobalka.

Wareegto kasoo baxday maamulka Al-shabaab ee gobolka Sh/dhexe ayaa loogu baaqay hay'adaha Samafalka inay muddo 10-maalin ah isaga soo diiwaan galiyaan xafiiska la socodka hay'adaha samafalka ee magaalada Jowhar.

Wareegtada ayaa loogu baaqay hay'adaha samafalka inay si dhaqso ah isaga diiwaan galiyaan xafiiska lasocodka hay'adaha Samafalka oo ku yaala magaalada Jowhar, waxaana maamulku uu sheegay inuu arrintaas uga gol leeyahay inuu ogaado wax qabadka hay'adaha samafalka.

"Talaabo sharciga waafaqsan ayuu maamulka Islaamiga ah ee gobolka Sh/dhexe ka qaadi doonaag, haddii aysan hay'adaha samafalku si dhaqso ah isaga diiwaan galin xafiiska lasocodka hay'adaha" ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxday maamulka islaamiga ah ee gobolka Sh/dhexe.

Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in marka ay is diiwaan galiyaan hay'adaha samafalka uu kormeer ku sameyn doono xafiiska la socodka hay'adaha samafalka si loo ogaado wax qabadkooda dhinaca samafalka.

Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho