


Shil gaari
oo khasaara dhaliyay oo ka
dhacay degmada Maxaas Gobalka
Hiiraan
MudugNet, Muqdisho, Axad, 7da Maarso, 2010.
Inta la xaqiijiyey 3-qof ayaa ku
geeriyootay 4-kalena dhaawacyo
ayaa soo gaaray kadib markii
gaari ay saarnaayeen uu kula
rogmaday meel ku dhow tuulada
Goobweyn ee gobolka Hiiraan oo
qiyaastii 10-KM u jirta degmada
Maxaas.
Shilka gaari ayaa lasheegay inuu
dhacay kadib markii gaariga
rogmaday ay u bexeen labo kamid
ah lugihii uu ku socday,
iyadoona markaa kadib uu wadada
ka baxay deetana uu rogmaday.
Dadkii ku dhaawacmay shilka
gaari ayaa la geeyey isbitaalka
magaalada Baledweyne ee xarunta
gobolka Hiiraan halkaas oo
lagula tacaalayo dhaawacyadooda,
waxaana laga dayrinayaa qaar
kamid ah dadka ku dhaawacmay
shilka gaari.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho