


Shababaka
G/gaduud oo sheegay in uu
Burburay Maamulkii Ahlusuna
Gobalka G/gaduud
MudugNet, Muqdisho, Isniin, 8da Maarso, 2010.
Gudoomiyaha Al Shabaab
Gobolka Galgaduud Sheekh Yuusuf
Sheekh Ciise "Kaba kutukade"
ayaa sheegay inay kala jabeen
Ururka Ahlusunna Waljameeca
Gobolada dhexe ee Soomaaliya.
Sheekh
Yuusuf Kaba kutukade ayaa
sheegay laba garab inay u kala
dhantaalmeen ururka Ahlusunna
Waljameeca, qeyb ka mid ah ku
biirtay Dowladda KMG halka
kooxda kale si gaar ah isku
abaabuleen.
Waaliga
Wilaayada Islaamiga Gobolka
Galgaduud Sheekh Yuusuf Sheekh
Ciise "Kaba kutukade" ayaa
sheegay kala jabka ahlusunna
Waljameeca salka ku heyso is
maandhaaf soo kala dhex galay oo
dhanka fakarka ah arrintaasina
sababtay inay laba qeyb u kala
go’aan.
Kala
jabkaasi ayuu sheegay inay soo
dhaweynayaan, islamarkaana u
tahay fursad ay kaga
faa’iidaysan karaan dagaalada
ururka Alshabaab Gobolada Dhexe
kula jiraan Ahlusunna Waljameeca.