


Xisbul
Islaam oo ka gaabsatay in ay
Shabaab ku eedayso Dilkii maanta
loo gaystay Barre Cali Barre.
MudugNet, Muqdisho, Talaado, 9ka Maarso, 2010.
Ururka Xisbul Islaam ayaa ka
gaabsaday in ay Shabaab ku
eedeeyaan Dilkii maanta
magaalada Muqdisho loogu gaystay
Barre Cali Barre oo katirsanaa
saraakiisha ugu saraysa ciidanka
Xisbul Islaam.
Gudoomiye ku xigeenka maamulka
gobolka Banaadir ee ururka
Xisbul Islaam Ibraahin Bare
Cismaan oo maanta saxaafadda
kula hadlay magaalada Muqdisho
ayaa xaqiijiyay in maanta
magaalada Muqdisho lagu dilay
sarkaal katirsanaa Ururka Xisbul
Islaam.
Sarkaalkan ayaa la oran jiray
Bare Cali Bare, waxaana uu ahaa
taliyaha Mucaskarka Raaskambooni
oo kamid ah Ururka Xisbul
ISlaami, waxaana maanta rag
hubeysan ay ku toogteen gudaha
suuqa bakaaraha.
Gudoomiye ku xigeenka Ururka
Xisbul Islaam ee Maamulka
Gobolka Banaadir ayaanan ka
hadlin cida ay ku
tuhunsanyihiiin dilka sarkaalkan
hase ahaatee waxa uu sheegay in
ay baaritaan ku sameyn doonaan
dhacdadadan.