Mareykanka oo ku celiyay in ay ka qayb qaadanayaan dagaallo ka dhaca magaalada Muqdisho


MudugNet, Muqdisho, Arbaco, 10ka Maarso, 2010.


Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee loo yaqaan Africom Gen. William Ward ayaa sheegay in dowladda USA ay wado qorshe Milatari oo ay ku gacan siinayso Dowladda KMG ah si ay u qabsato magaalada Muqdisho.

General William Word ayaa sheegay inay soconayaan diyaar garow ay dowladda KMG ah ku doonayso inay kula wareegto magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka, waxaana uu sheegay in qorshahaas ay gacan weyn ka geysan doonto dowladda Mareykanka.

"Mareykanka waxaa ka go'an inuu gacan ka geysto wax kasta oo dowladda KMG ah u suura galinaya inay kula wareegto gacan ku heynta dalka, waana jiraa qorshe Milatari" ayuu yiri General William Ward taliyaha ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Africa.

General William Word ayaa ka gaabsaday inuu shaaciyo nuuca uu noqonayo qorshaha Milatari oo ay dowladda Mareykanka ku gacan siinayo dowladda KMG ah, waxaana uu sheegay in muhiimaddu ay tahay sidii meesha looga saari lahaa kooxo mayal adag oo ku xiran ururka Al-qaaacida sida uu hadalka u dhigay.