


Dagaallo ay qayb ka ahaayeen
Taangiyada Ciidamada AMISOM oo
galabta ka dhacay degmada C/casiis
magaalada Muqdisho iyo Alshabaab
oo si xun loogu xasuuqay
dagaaladaas.
MudugNet, Muqdisho, Arbaco, 10ka Maarso, 2010.
Dagaallo aad u xoogan oo u
dhexeeyay Ciidamada Dowlada KMG
ah oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo
xoogaga islamaiyiinta ayaa
galabta dib uga qarxay xaafado
katirsan degmooyinka Shibis iyo
C/casiis magaalada Muqdisho.
Dagaalkii galabta oo ay qaadeen
ciidamada AMISOM iyo kuwa
dowladda waxaa ka qayb
qaadanayay raangiyada Ciidamada
AMISOM oo doonayay in ay
ciidanka dowladda dib ugu
qabtaan fariisimo ay saaka kala
wareegeen xoogaga islaamiyiinta.
Goob joogayaal ayaa sheegay in
ciidanka AMISOM ee dagaalka ka
qayb galay aysan waxba soo
kordhin islamarkaana ay dib
ugusoo laabteen Villa Somalia
waxaana weli agagaarka Xeradii
gaadiidka Booliska isku
horfadhiya Islaamiyiinta iyo
ciidanka dowladda.
madaafiicda ka dhacaysay
taangiyada AMISOM waxay khasaara
culus ka gaysteen xaafado
katirsan degmada Kaaraan oo ay
dad rayid ah ku dileen.
Faallo:
Waxaan aad ugu Faraxsannahay
in Dagaalkaan lagu laayay
Argagixiso Badan iyadoo lagu
laayay ajaanib uu ka mid
Khawaarij u dhashay Algeria, Waa
mahad Ilaah hadii la cirib tiray
Aragagixisada ay ku adeegtaan
Khawaarijta.
Abtidoon Bee.