In kabadan 20 qof oo ku geeriyootay Madaafiic ay AMISOM ku garaacday Waqooyiga magaalada Muqdisho.


MudugNet, Muqdisho, Arbaco, 10ka Maarso, 2010.
 

Khasaara aad u xoogan ayaa shacabka Rayidka ah kasoo gaaray madaafiic arxan darra ah oo ay ciidamada AMISOM galabta ka gaysteen xaafado katirsan degmooyinka dhaca Waqooyiga magaalada Muqdisho.

Madaafiicda oo si daran doori ah ugu dhacaysay xaafadaha Juungal,Suuq Bacaad,Arjantii iyo yaaqshiid ayaa cel celis ahaan sababtay geerida 20 qof oo rayid ah waxaana jira dhaawacyo badan oo dad rayid ah soo gaaray.

Khasaaraha ugu daran wuxuu ka dhashay xaafadda Juungal degmada Yaaqshiid oo ay ku dhinteen in kabadan 14 qof kadib markii madfac ay AMISOM soo tuurtay uu haleelay dad ku ganacsanayay suuqa xaafada Juungal.

duqaymahan ay ku dhinteen dadka Rayidka ah ayaa ka dhacay xaafado aad uga fog degmooyinkii ay ku dagaalamayeen ciidamada AMISOM iyo xoogaga islaamiyiinta ah waxayna dadku isweydiinayaan sababaha Shacabka loo xasuuqayo.