

Cayaarihii Soomaali Week 2010
oo ay soo qaban qaabiyeen ururka
Sosca ayaa maalintii Axada Jul
11 2010 lagu soo gabagabeeyay
garoonka weyn ee centennial park
stadium Toronto Canada .
MudugNet, Toronto Axad 11ka
July, 2010
Waxaana cayaarta Finalka isugu
soo baxay kooxda Northern Stars
iyo kooxda Rogester Newyork.

Cayaarta qeebteeda hore waxay ku
dhamaatay 0/0 cayaarta
qeebteedii labaad waxaa gool
qurax badan madaxa ugu dhaliyay
kooxda Northern Stars
cayaartooyga numberka 8.
Rogester iyagana waxaa gool
quruxbadan u dhaliyay
cayaartooyga Number 11 oo
cayaarta ka dhigay barbar dhac.
Daqiiqadihii ugu danbeeyay
cayaarta ayaa waxaa usuurta
galay in goolkii labaad ay
dhaliyaan kooxda Northern stars
isla cayaartooygii hore ee
goosha u dhaliyay asiga oo
muujiyay cayaar wanaag.

Sidaasna waxaa koobkii 2010 ku
guulaystay kooxda Northern
Stars.
Sidoo kale waxaa ciyaaraha fudud
soo qaban qaabiyay macalin musse
Nasir oo ka mid ah cayaartooda
waaweyn ee Soomaaliya.
50M oo ay ku tartameen Gabdhaha
waxaana ku guulaysatay Xaliimo
Cusman
100M na waxaa ku guulaystay
Mohamed Cali
200M na waxaa ku guulaystay
Zakariya Mohamed
400M na waxaa ku guulaystay Bile
Hasan

Waxaa cayaarahaan inoo suura
geliyay inay qabsoomaan shirkada
Dahabshiil iyo shirkada Qaran
express
Waxaana cayaarahaas odoy u ahaay
macalin Tuke iyo Macalin Musse
iyo Cantar Jeenyo
Sidoo kale waxaa jiray tartan
under 18 years old waxaan ku
guulaystay Rogester newyork.

Sidoo kale waxaa jiray tartan
under 12 years old waxaan ku
guulaystay Xuud team.
Waxaana kaalinta labaad galay
kooxda Sosca
